Cudurka Sambab-galaha iyo RSV

Cudurka sambab-galaha waa caabuq laabta oo caadi ah oo saameeya dhallaanka iyo carruurta ka yar 2 sano. Cudurka sambab-galaha waxaa keena caabuq fayras ah, badanaa fayraska qaab-dhismeedka unugga weyn ee neefsashada (Respiratory Syncytial Virus, RSV). Caadi ahaan waa mid sahlan oo si fudud guriga loogu daweeyo, laakiin wuxuu noqon karaa mid halis ah.  

Carruurta qaarkood, gaar ahaan kuwa da'doodu ka yar tahay 6 toddobaad ama carruurta yaryar ee qaba dhibaatooyinka wadnaha ama sambabada, waxay yeelan karaan dhibaato xagga neefsashada ah oo weyn oo laga yaabo inay u baahdaan inay aadaan isbitaal. 

Waa maxay calaamadihiisu?

Calaamadaha ugu horreeya ee cudurka sambab-galaha waxay la mid yihiin kuwa hargabka, sida:

  • Hindhisidda
  • Duuf badan ama cabudhka sanka
  • Qufac 
  • Xummad badan oo gaadha ilaa 38C ah.

Ilmaha qaba cudurka sambab-galaha waxaa laga yaabaa inuu markaas yeesho calaamado kale, sida: 

  • U neefsashada si dhaqso badan
  • In ay ku adkaato in la quudiyo ama uu wax cuno
  • U neefsashada si buuq badan
  • Xanaaq dhowaansho ama cadho badan

Cudurka sambab-galahu caadi ahaan waxaa uu u soo fiicnaadaa si iskiis ah. Laakiin waxa uu ku noqon karaa mid halis ah carruurta qaarkood, kuwaas oo u baahan kara in lagu daweeyo isbitaalka. 

Calaamaduhu inta badan waxay ugu xun yihiin inta u dhaxaysa maalmaha 3 iyo 5, qufacuna wuxuu caadi ahaan ka soo fiicnaadaa 3 toddobaad gudahood.

Maxay tahay inaad sameyso haddii ilmahaagu aanu caafimaad qabin

Way adkaan kartaa in la ogaado marka ilmuhu si xun u xanuusanayo, laakiin waxa ugu muhiimsan waa inaad aaminto dareenkaaga. Waxaad uga aqoon fiican tahay cid kasta oo kale sida ilmahaagu caadi ahaan yahay, markaa waxaad ogaan doontaa marka ay wax khaldan yihiin. 

Macluumaadka cagaarka / huruudka / casaanka ee hoose ayaa kuu sheegaya waxaad raadineyso iyo meesha aad caawimaad ka raadsan karto. Haddii aad boggan ku akhrinayso taleefanka gacanta, waxaa laga yaabaa inaad u guurto si aad u aragto dhammaan miiska.

Cagaarka

Haddii ilmahaagu aanu u muuqan mid si xun u xanuunsan, waxaad caadi ahaan ku daryeeli kartaa guriga:   

  • Xaqiiji inay cabaan biyo iyo caano ku filan  
  • U fiirso calaamadaha tilmaami kara in ay ka sii darayaan  

Is-daryeelka:  

Sii wad inaad ilmahaaga ku daryeesho guriga. Haddii aad weli ka welwelsan tahay ilmahaaga, wac NHS 111 – garaac 111 . 

Huruudka

Haddii ilmahaagu qabo mid ka mid ah kuwan soo socda:   

  • Neefsashada waa shaqo adag - waxay nuugaan feerahooda  
  • Neefsashada mararka qaarkood waa mid buuq leh ama aan joogto ahayn  
  • Ma laha xafaayad qoyan ilaa 12 saacadood  
  • Gariiritaan ama ka cabashada muruq xanuun  
  • Lahaanshaha heerkul sare oo kacay in ka badan 5 maalmood  
  • Way ka sii daraysaa ama haddii aad walwalsan tahay  

Waxaad u baahan tahay inaad la xidhiidho dhakhtar ama kalkaaliso maanta:   

Fadlan wac GP-gaaga guud ama ka wac NHS 111 – garaac 111. 

Casaanka

Haddii ilmahaagu qabo mid ka mid ah kuwan soo socda:   

  • Midab aan caadi ahayn (cawlan, casuus ama buluug)   
  • Neefsasho aad u buuq badan ama aan joogto ahayn  
  • Aan awoodin inuu wax cuno 
  • Hoos u dhaca awooda murqaha iyo caajisnimo ama kacsanaan badan 
  • Finan cusub oo aan baaba'aynin markaad muraayad/dhalo ku cadaadiso maqaarka

Waxaad u baahan tahay caawimo degdeg ah:  

Tag Waaxda Gurmadka Degdegga ah ee Isbitaalka (Hospital Emergency) (A&E) kuugu dhow ama wac 999 si aad u wacdo ambalaas.

    Talooyinka ugu wanaagsan ee daryeelidda ilmahaaga

    Kormeeritaanka

    • Waa inaad si dhow ula socotaa haddii ay xaaladdoodu ka sii darto
    • Waa muhiim inaad ku kalsoonaato dareenkaaga haddii ilmahaaga ay haysato caafimaad darro. Hel caawimo caafimaad haddii aad u malaynayso inaad u baahan tahay

    Quudinta

    • Dhallaanka waxaa laga yaabaa inay u arkaan inay aad uga daalaan in la quudiyo sidaa darteed waa in la siiyaa waqti quudinno gaaban oo joogto ah
    • Ku dhiiri geli carruurta inay cabbaan dareero badan
    • Carruurta hal sano ka weyn, waxaad ku siin kartaa in yar oo malab gudaha cabbitaan si ay cunaha uga nefisaan/raaxeeyaan

    Maareynta calaamadaha

    • Haddii ilmahaagu uu dareemayo raaxo darro, waxaad siin kartaa paracetamol-ka carruurta ama ibuprofen-ka carruurta. Eeg buug-yaraha si aad u xaqiijiso in daawadu ku haboon tahay ilmahaaga iyo si aad u aragto inta aad siinayso iyaga
    • Waxaad isticmaali kartaa dhibcino biyo milix ah adigoo markaa ku dhibcinaayo gudaha sankooda si ay gacan uga geystaan jebinta xannibaaddo kasta, oo kor u qaad madaxa sariirtooda ama sariir ilmoodkooda. 
    • Ka booqo ICON tallada waalidka ee ku aadan dejinta dhallaanka ooyaya
    • Tixgeli tayada hawada ah agagaarka ilmahaaga: waa in aanan loo beylah dhigin qiiqa tubaakada, wasakhowga hawada ama carfisooyinka hawada ee udgoon. Meel kasta oo ay ka suurtagal tahay, qolalka waa in si fiican loo hawo siiyaa oo lagana nadiifiyaa caaryada derbiyada. 

    Ka fogaaw faafinta caabuqyada

    • Ku dhaq gacmaha had iyo jeer saabuun iyo biyo
    • Ku dabool afkaaga iyo sankaaga xaanshida jilicsan marka aad qufacayso ama hindhiseyso
    • Qashin ku tuur xaanshimada la isticmaalay sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah